MAALINTA BIYAHA ADDUUNKA

& Dhibaatooyinka BIYAHA Adduunka


Horudhac Guud

Biyuhu waa aasaas daruuri u ah jiritaanka nolosha aadanaha iyo degaankiisa. Waxaana la oran karaa sida uu Qur'aankuba uu caddeeyey - meeshii aan biyo laheyn, nolol ma jirto. Biyaha, oo ah baahi-nololeed oo aan laga baaqsan karin, waxay faa'idooyin badan u leeyihiin nolosha adduunyada. Warbixin ay soo saartay Qaramaha Midoobay 1998 ayey ku caddeysan in biyo-la'aanta ka jirta dunida maanta ay tahay mid ka mid ah arrimaha ugu dhibaatada badan ee ku soo fool leh aadanaha qarnigan cusub ee 21 naad.

Maalinta Biyaha Adduunta

Ayada oo la waafaqaayo talooyinkii ka soo baxay Shirkii Dunida ugu Weynee ee sanadkii 1992 lagu qabtay dalka Brazil loogana hadlaayey Degaanka iyo Horumarka Dunida, ayaa sanadkii 1993 waxa uu Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ku dhawaaqday in 22ka bisha Maarso loo aqoonsado Maalinta Biyaha Adduunka. Ujeeddada ka dambeysay arrintaas waa ayada oo la doonayo in la xusuusto qiimaha ay biyuhu u leeyihiin nolosha dunida iyo in ay wajahdo dhibaatooyinka la xiriira biyo-la'aanta dunida ku baahday. Sidaasi daraadeed, sanad walba 22ka bisha Maarso waa maalinta biyaha adduunka, ayada oo meelo badan laga sameeyo barnaamijyo loogu talo galay munaabadaas. Sanad walba waxaa laga hadlaa mowduuc loogu talo galay in la wajaho si loo xalliyo dhibaatooyinka ay keenaan biyo la'aanta dunida. Sanadkan 2009 waxaa la qorsheeyey in uu ahaado mid ku wajahan Biyaha La Wadaago ee Webiyaha (Transboundary Water). Arrimaha webiyada la wadaago waxaan uga wareymeynaa warbixinta qeybteeda dambe.

S
idoo kale sanad walba maanta oo kale waxaa la sheegaa qofkii ku guuleystay biladda biyaha, oo ay magacowdo urur caalami ah (Stockholm International Water Institute) oo magaalada Stockholm ku yaala. Tusaale ahaan, waxaa sanadkii 2000 ku guuleystay Wasiirkii hore ee biyaha (1994-99) ee dalka Koonfur Afrika, Professor Kader Asmal, oo iminka ah wasiirka waxbarashada, isaga oo billaddaas ku helay dadaalka uu u galay in ay biyo helaan 4 milyan oo ah dadka madow ee Koonfur Afrika oo ay aheyd markii ugu horreysay ee ay helaan biyo nadiif ah oo guryahooda ugu jira amaba meel u dhaw.

Qiimaha Biyaha

Qiimaha ay biyuhu leeyihiin waa kuwo ku cad Quraanka Kariimka ah. Daraasad ay Xaruntu (Somali Centre for Water & Environment) ku sameysay xiriirka ka dhexeeya Quraanka & Biyaha ayaa lagu caddeeyey in aayado ka badan 400 oo aayadood ay si toos ah amaba si dadban uga hadleen qiimaha ay biyuhu u leeyihiin jiritaanka nolosha dunida. Biyuhu waxa ay gaareen qiimahooda ugu sarreeya markii uu Illaahay (Casa-Wajala) ku yiri Suuratu Anbiyaa´, aayaddeeda 30 naad "...waxaannu biyaha ka yeelnay shey walba waxa uu ku noolaado...".

Asal ahaanba, biyuhu waxa ay laf-dhabar u yihiin horumarka dhaqaalaha iyo bulshada, tayada nolosha, iyo xasiloonaanta dhaqanka iyo ilbaxnimada, ayada oo ay ilbaxnimooyinkii ugu horeeyey adduunyada ay ka bilowdeen meelo biyo leh sida webiyada. Taariikhda aadanuhu waxay caddeyneysaa in dhalashada iyo burburka ilbaxnimada iney aheyd mid ku xiran isbeddelka ku yimaada helitaanka biyaha. Biyuhu waxa ay qeyb libaax leh ka ciyaareen welina ka ciyaaraan warshadeyntii reer Yurub iyo guud ahaan dhaqaalaha dunida.

Caafimaad ahaan, biyuhu waa nafaqo, la'aantoodna nolosha qofka aadanaha ah ma suuro geli karto, waayo 62% jirka qofka bani'aadanka ah waa biyo. Biyuhu waxay lagama maarmaan u yihiin dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin hab-dhiska qashinsaarka jirka, dheelitirka heerkulka jirka iyo shaqeynta unugyada noolaha. Waxaa la caddeeyey in qofka bani' aadanka ah uu cunto la'aan noolaan karo muddo soddon maalmood ah, balse uusan biyo la'aan noolaan karin dhowr maalmood oo kaliya.

Biyo-la'aanta ka jirta Dunida

2 bilyan oo qof ayey dunida biyo la'aan ku heysaa, oo aan weligood dhadhaminin biyo nadiif ah, halka 2.5 bilyan kalena ay la' yihiin saxa-dhowrkii habboonaa ee musqulaha iyo nadaafadda. 6 milyan oo qof ayaa sanad walba u dhimata cudurada la xiriira ama laga qaado isticmaalka biyo wasaqeysan. 4 milyan oo 6-daasi ka mid ah waa carruurta ku nool dunida saddexaad, (UNICEF, 1993), taas oo macnaheedu tahay in 11 000 oo cunug ayaa maalin walba dunida ugu dhinta sababo biyaha la xiriira. 80% cudurada ku dhaca dadka dunida oo dhan waa kuwa ka dhasha isticmaalka biyo aan nadiif aheyn oo wasaqeysan. Arrinta kale oo murugada leh ayaa waxa ay tahay in 70% dhimashada dadka dunida saddexaad ku nool ay sabab u tahay isticmaalka biyaha aan nadiifka aheyn iyo helitaan la'aanta biyo ku filan oo tayo fiican leh.

Sida ay sheegtay hey'adda UNICEF ee Soomaaliya, waxa ay carruurta iyo dumarka Soomaaliyeed la il daran yihiin dhibaatooyinka ka soo gaartay biyo la'aanta ka jirta dalkooda.

Sababaha Dhaliyey Dhibaatooyinka Biyaha Adduunka

Qaabkii dhaqaale iyo midkii siyaasadeed ee dunida qarnigii 20-naad ee la soo dhaafay wuxuu dunida dhaxalsiiyey mashaakilaad fara badan. Dhibaatooyinka lama-dhaafaanka ah ee ku soo fool leh dunida qarnigan 21-naad waxaa kuwa ugu daran uguna horreeya ka mid ah helitaanka biyaha. Sababaha ugu waaweyn oo dhaliyey dhibaatada dunida ka heysata dhinaca biyo-la'aanta waxaa ka mid ah:

  1. Biyo-yarida dhinaca hawada, gaar ahaan waddamada ay hawadoodu kulushahay oo ay roobabkoodu yar yihiin, sida dalkeenna Soomaaliya. Dalalkaas oo weliba ay ka dhacaan abaaro wax dila oo biyo-la'aanta ka dhasha, sida abaaraha xilligan ka jira dalkeenna. Biyo-la'aanta dunida ka jirta waxay ugu sii daran tahay dalalka ku yaala dhulalka ay hawadoodu kulushahay;
  2. Sidoo kale waxaa sababahaasi ka mid ah fatahaadyada dhaliya qasaarooyin ba'an oo naf iyo maalba leh iyo weliba cudurada faafa;
  3. Dunida gaar ahaan dalalka soo koraya oo si weyn u la' yihiin maalgelintii ay ku horumarin lahaayeen kheyraadka biyaha, si markaasi ay waraab ugu helaan beerihii cuntada laga soo saari lahaa iyo biyo-fidinta magaalooyinka, iyo weliba dhismooyinkii yareyn lahaa waxyeelada fatahaadyadu geystaan;
  4. Wasaqeynta biyaha oo iyaduna ka mid ah arrimaha ugu daran ee wax ka geysta dhibaatada biyo-la'aanta ayada oo ay biyihii markii horeba yaraa ay noqonayaan kuwa aan la isticmaali karin, markii la wasaqeeyo;
  5. Waxyaabaha sababaya biyo-la'aan ba'an oo dalalka qaar ka dhacda waxaa ka mid ah tirada dadka oo sii kordhaaya & dadka magaalooyinak deggan oo sii badanaayo;
  6. Dhinaca kale waa ayada oo ay si xad-dhaaf ah u sii koreyso baahida loo qabo helitaanka biyaha gaar ahaan isticmaalka biyaha dhinacayada wax-soosaarka beeraha iyo warshadaha iyo weliba biyo u helidda dadka magaalooyinka deggan;
  7. Sababta kale waa ayada aysan jirin maamul iyo siyaasad biyo oo hufan oo wax looga qabto dhibaatooyinkaas biyo ee heysta bulshooyinka;
  8. Iyo iyada oo ay jirto in dalalka qaarkood aysan heysan dad aqoon u leh maamulka kheyraadka biyaha

Hawada dunida ee sii kululaaneysa (global warming) oo ay sababaan qiiqa ay sii daayaan warshadaha iyo baabuurta, kuwaas oo saameyn xun ku yeesha hab-wareega biyaha dunida (global hydrological cycle) ayaa cabsi badan laga qabaa in uu is-bedel ku sameeyo roobabka dunida ka da'a. Iyada oo markaasi abuuri karta in qeybo dunida ka mid ah ay fatahaan, qeybo kalena ay qaleyl iyo abaaro ku dhacaan.

Khilaafka Biyaha Webiyada la Wadaago

Waxaa marar badan la saadaaliyey in dagaalka dambe ee dunida ka dhici doono uu ka dhalan doono khilaafka isticmaalka biyaha webiyaha ay dalal badan wadaagaan. Qaaradda Afrika oo kaliya waxaa ku yaala 70 webi oo ay wadaagaan ugu yaraan laba waddan, ayada oo ay qaarkood ay wadaagaan in ka badan lix waddan (sida webiyada Nile, Congo, Zambezi, Niger, Chad iyo Volta). Ayada oo ay webiyada Afrika ay yihiin kuwa biyo yar cimilada ay ku yaalaan aawadeed, ayaad haddana baahida ay dalalka webiyadaasi wadaaga u qabaan ay yihiin kuwa sii kordhaya.

Khilaaf ka dhaca biyahaasi caalamiga ah (sida Webiyada Juba & Shabeelle ee Geeska Afrika) ayaa u muuqda mid lama-dhaafaan ah, ayada oo u sabab noqon kasto is-maandhaafka siyaaadeed iyo cadowtinimada ka dhexeysa waddamada Geeska Afrika iyo weliba baahida dhaqaale ee webiyadaas loo qabo oo sii kordheysa. Waxaa weli la la' yahay qaab hufan oo biyahaasi la wadaago loo maamulo laguna horumariyo. Qaanuun caalami ah oo nidaamiya isticmaanka biyaha ay dalal badan wadaagaan ayaa ah mid daciif ah oo aan la isku waafaqsaneyn.

Khilaaf ka dhasha biyaha ma aha mid ku kooban oo kaliya webiyada ay dalal badan wadaagaan, balse wuxuu khilaafkaasi ka dhex dhici karaa gobolada kala gedisan ee uu dal leeyahay. Gobolada iyo degmooyinka qalalan ee ay biyuhu ku yar yihiin waxay dadkooda ku soo qulqulaan gobolada biyaha leh. Tani waa mid dhalin karta khilaaf iyo mashaakilaad siyaasadeed oo bulshada dhexdeeda ah.

Gunaanad

Biyo-yarida dabiiciga ah waa arrin la xiriirta cimilada iyo degaanka. Balse biya-yarida ka dhalata sababo la xiriira kuwa aanan dabiici aheyn sida tirada sii-kordheysa ee dadka; wasaqeynta biyaha; si qaldan u isticmaalidda kheyraadka biyaha; qorsha-xumida horumarinta biyaha; qarash la'aanta dhinaca maalgelintii loo baahnnaa ayaa intaba ah kuwa sii holcinaya cabsida iyo walwalka laga qabo in ay dhacdo dhibaato biyo oo baadax weyn oo dunida oo idil ku habsata.

Xarunta "Biyaha & Degaanka Soomaaliyeed" oo ah midda barnaamijkan soo diyaarisay waxay dadka Soomaaliyeed u rajeyneysaa kuna dhiiro-gelineysaa in ay wajahaan biyo-la'aanta ba'an ee dalkeenna saameysay. Biyo-la'aanta dalka Soomaaliya waxay carqalad weyn ku tahay guud ahaan horumarka iyo xasiloonida bulshada gaar ahaan caafimaadka dadka; saxa-dhowrka nadaafadda; waxsoosaarka beeraha; dhaqashada xoolaha; daryeelka degaanka; iyo horumarka dhaqanka.


Waxaa soo diyaariyey. Dr. C/laahi Cilmi Maxamed, madaxa Ururka aan dowliga aheyn ee Xarunta Biyaha & Degaanka Soomaaliyeed (Somali Centre for Water & Environment) ee magaalada Stockholm, dalka Sweden, ahna aqoonyahan ku taqasusay aqoonta biyaha iyo degaanka. Waxaa warbixintan loogu talo-galay munaasabadda Maalinta Biyaha Adduunta ee 22-ta Maarso.
E-mail: elmi@kth.se